Koox Kubadeed Oo Garoonkeeda Hor Dhigtay Taangi Dagaal + [ Sababta ]

Belgrade (Salaanmedia.com)- Kooxda kubadda cagta ee Red Star oo ka dhisan magaalada Belgrade ee caasimadda dalka Serbia ayaa garoonkeeda hor dhigay taangi iyada oo “soo jiidasho” ooga gol leh; arrintaas ayaana dood kulul ka dhalisay dadka isticmala baraha bulshada ee ku nool gobolkaas oo dhan.

Naadiga ayaa taangiga dagaalka soo bandhigay iyadoo leh ciyaar adag oo ka tirsan isreebreebka loogu soo baxayo koobka Horyallada Yurub ee Champions League, ciyaartaas oo ay gorodda isku darayaan kooxda Young Boys ee dalka Switzerland.

“Halhayska caanka ah ee kooxdu wuxuu ahaa mashiinkii Star wuu shaqeeyay, taantiga horyaalla qaybta waqooyigana arrintaas ayuu matalayaa. The Northern Army wuu ka adag yahay gaari dagaal.”

Taageerayaasha kooxda Star ayaa isugu yeera Northern Army ama Ciidanka Waqooyiga, badanaana taangi ayay astaan ahaan u adeegsadaan marka ay taageerada u muujinayaan kooxdooda ee ciyaaruhu jiraan.

Inkastoo kooxdu u aragto arrin faa’iido leh oo raynrayn abuuri karta ka hor kulanka adag ee ay leeyihiin, balse dad kale ayay soo xasuusisay arrin hore oo xanuun leh oo ka dhacday gobolka Balkans.

Warbaahinta dalalka Croatia iyo Bosnia ayaan soo dhawayn, qaar koodna waxay ciwaan uga dhigeen taangigaas waxaa la adeegsaday markii uu socday dagaalkii magaalada Vukovar ka dhacay 1990-yadii.

Wargeyska maalin laha ah ee Jutarnji List ee ka soo baxa Croatia ayaa tallaabadas ku tilmaamay “daandaansi aan caadi ahayn”, wuxuuna dadka soo xasuusiyay in taageerayaasha kooxda kubbadda kolayga ee Red Star ay taangi ku soo sawireen boor ay ku qoran tahay “Vukovar”, arrintaas ayaa dhacday labo sano ka hor.

“Wakhtigaas kooxda Zvezda [Red Star Belgrade] waxay soo saartay war qoraal ah oo ay ku sheegayso in taangigu uu yahay qayb ka mid ah dhaqan dhaxal ah isla markaasna aan loola gol lahayn Vukovar,” ayuu yiri wargeyskaasi.

Balse qaar ka mid ah dadka waddaniyadda ku dheertahay ee Serbia ayaa u riyaaqay taangiga.