Siyaasi Cabdilaahi Geeljire Oo Ka Hadlay Dib U Dhaca Doorashada, Saami Qaybsiga Iyo Heshiiskii Xisbiyada

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geelle Jire ayaa ka hadlay dib u dhaca mar kale ku yimid doorashadii golaha wakiilada somaliland ee ay ku dhawaaqeen guddida doorashooyinku.

Siyaasi Cabdilaahi Geeljire ayaa sheegay in masuuliyada dib u dhaca doorashada ay wada leeyihiin dhinacyada ay khusayso, isaga oo tilmaamay in doodaha ay qabeen ay u muuqdeen kuwo jaban oo laga gudbi karayey.

Siyaasi Cabdilaahi Geeljire oo ka hadlaya dib u dhaca doorashada ayaa waxa uu yidhi “Komishanka iyo cid walba way u muuqatay in doorashadu dib u dhacayso markii ay soo jiitantay, anigana mar walba mawqifkaygu waxa uu ahaa in sadexdii qolo ee kala jiidanayey arintaas inaan canaanta u qaybiyo, haday tahay wadani oo dacwada hore keenay kuna dhagay in komishanka la eryo, haday tahay madaxweynaha oo isaguna sabab la,aan sida ay aniga iigu muuqatay ugu dhaganaa komishanka isaga oo aaminsana haddii komishanku kala dareero madaxweynenimadayda ayaan sharci noqonayn iyo komishanka oo eexaysanayey inay iska sii joogaan, shalayna ku dooday sharciga ayaanu ku fadhinaa.”

Siyaasi Cabdilaahi Geeljire oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay qodob u banaanaa guddida doorashada “Komishankana waxa u banaanaa mar haddii ay diideen qaar ka mid ah dadkii ka qayb galayey doorashada oo ay ku xidheen kala dareerkooda inay umada tixgaliyaan oo ay yidhaahdaan somaliland wixii hore ee aanu idiin qabanay waanu idiin qabanay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inaanay xisbiyadu dedaal galinayn sidii baarlamaanku u ansixin lahaa heshiiskii ay gaadheen “Wixii koowaad ee ay xisbiyadu ku heshiiyeen waxay ahayd komishanka iyo tirada uu noqonayo taas qudheedana waxaad moodaa inaan cidina diyaar u ahayn oo cidii heshiiska ka qayb gashay hadana aad moodaa inaanay aad dabada uga riixayn oo ay faro ka qaad taha.”

Siyaasi Cabdilaahi Geeljire ayaa sidoo kale soo jeediyey in la tixgaliyo dooda saami qaybsiga ee ay qabaan qaar ka mid ah shacabka somaliland waxaanu mar kale yidhi “Qolada ka dareertay golaha ee saamiga doonaysaa u malayn maayo imika in iyaga iyo dadkoodu ay wada socdaan laakiin carqalada labaad ee u baahan in la xaliya lamana yaraysto xildhibaanada golaha ku jira, shacabka, madaxda kale ee qaranka iyo xisbiyadu marka ay wax diidan yihiin ee ay doodayaan waa waxa aynu ka koobanahay lama yarasto ee waa in xal lala gaadhaa balse waa inaynaan odhan maxay qaadayaan, maxay yihiin oo aan laysku riix riixin danbaana inaga dhaxaysa ee waa in dantaas loo guntadaa.”