Somalia oo ka hor timid in Al-shabaab lagu daro liiska argagixisada caalamiga ah

Somalia oo ka hor timid in Al-shabaab lagu daro liiska argagixisada caalamiga ah

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramadda Midoobay ayaa ka soo horjeestay codsiga ay dowladda Kenya u gudbisay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee ku aadan in Al-Shabaab lagu daro liiska argagixisada caalamka.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay in aan Al-Shabaab lagu darin Liiska argagixisadda Caalamiga ah, isagoo faahfaahin ka bixiyay sababta ay dowladda Soomaaliya u qaaday talaabadaasi, maadaama Al-Shabaab ay dagaal kula jirto dowladda.

“Al-Shabaab waa la baacsanayaa, waana laga guuleysanayaa, lagama guuleysanayo inta ay haystaan taageero banaanka ah,” ayuu yiri Baalle oo intaas ku daray in haddii Al-shabaab lagu daro liiska madow ee caalamiga ah ay taasi  xoojineyso taageerada kooxdan ay ka hesho argagaxisada caalamiga ah.

Waxaa uu sidoo kale xusay in Kenya ay qorshanan ka leedahay dano guracan, ayna dooneyso iney uga faa’iideysato ujeedooyin kale sida in lagu dhibaateeyo Soomaalida ku dhaqan dalka laguna boobo hantidooda si cadaadis loogu saaro dowlada Somalia iney ka laabato kiiska badda.

“Al-Shabaab lacagta ugu badan waxay ka helaan dhuxusha laga dhoofiyo gobolada Koonfureed, marka la dhoofinaayo, waxaa kor-taagan askar Kenyan ah, annaga sawirraan haynaa, waxaan haynaa xaqiiqo, qoladii guddiga xayiraada ayaa xitaa soo qoray oo leh waan soo aragnay, ma ahan waxaan aniga dhahaayo, iyagaa soo qoray oo ahaa Kenyanka iyagoo jooga ayaa meesha laga dhoofinaya’ marka waxaad ii sheegtaa, Kenya iyadaa ogolaatay in dhuxusha la dhoofiyo oo Al-Shabaab lacag ka sameyso, sababtee ayey u dooneysaa in Al-Shabaab lagu daro liiska argagaxisada caalamiga ah” ayuu is-waydiiyay Danjire Baalle.

Waxaa uu sheegay in qaraarka 1257 uusan qabin aragti bini’aadanimo; meesha ay joogaan AlShabaab haddii musiibo ka dhacdana aan waxba la geyn Karin taasoo uu sheegay iney qeyb ka tahay sababaha ay uga soo horjeedaan arintan.

Waxaa uu xusay in mowqifka Soomaaliya ay  taageereen dhamaan hay’addihii ka shaqeynayey bini’aadanimadda”.

“Hay’addahan oo badankooda ah kuwa Amerikaan ah ayaa dowladooda ka codsadeen inay qaadacdo soo jeedinta xukuumadda Kenya” ayuu yiri danjiraha Somalia u fadhiya QM Abuukar Baalle.