Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

“Aniga Xilligaygii Waxa suurtogeli weyday in Soomaaliya la wareegto Maamulka Hawada” – Farxaan Aadan Haybe

“Aniga waxa xilligaygii suurto-gali weyday in dowladda Soomaaliya la soo wareegto xafiiska Nairobi oo ay u soo wareejiso Muqdisho. Laba jeer baanu shirnay, shirarna way iga horeeyeen. Shuruudaha aanu isku haysannay in si isku mid ah loo qaybsado nidaamka lagu maamulayo hawada oo laba xafiis laga sameeyo Hargeysa iyo Muqdisho. Taas waxa ka socday wada-hadal, waxaana sii amba-qaaday Maareeyaha hay’adda Duullimaadka. Anigu wax heshiis ah oo aan la galay Wasaaradda Gaadiidka ee Soomaaliya ma jirin”.