Arday Soomaaliyeed Oo Geesi Ah Hankiisuna Sareeyo oo ka Mira Dhaliyey Halgankiisa Waxbarasho.

Magaciisu waa Ismaaciil Axmed Maxamuud Raage, ku dhashay kuna barbaaray Magaalada Muqdisho, waxa uu heerarkiisa kala duwan ee waxbarashada Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ku Qaatay isla Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya.

Ismaaciil waa wiil dhalinyaro ah oo Qabo Baahiyaha gaarka ah, inkastoo uu Ifka yimid isaga oo Caafimaad qabo hadane Qadarta Alle darteed ayaa waxaa asiibay Cudurka Dabeeysha Markii uu Jiray Da’da Sadex Sano balse taasi kama reebin inuu ka rumeeyo sidii uu ku gaari lahaa himilooyinka uu Nolosha ka damacsanaa waqtiga kooban ee uu Dunida saaran yahay.

Wiilkan dhalinyarada ah waxa uu kamid yahay Jiilka ku barbaaray burburkii wadanka ka dhacay ee aan Nasiibka u yeelan in ay helaan waxyaabaha aasaasiga u ah Nolosha sida Amniga, kala danbeynta, Maamul wanaagga, Waxbarashada, Caafimaadka iyo dhowrista xuquuqda uu leeyahay Qofka Muwaadinka intaba, haddaba iyadoo xaaladdu sidaas tahay ismaaciil Marnaba iskuma dayin inuu wadankiisa ka socdaalo isagoo taasi badalkeeda aaminay in wadankiisa uu yahay Meesha ugu haboon ee uu ku dheefi lahaa ama ku dhiman lahaa Marka Ajasha ay u timaado.

Halgame Ismaaciil waa Shaqsi ku barbaaray Jaceylka waxbarashada waxaana taasi daliil u ah Marxaladihii adkaa ee uu soo Maray Mudadii uu ardayga ahaa oo iskugu Jiro Dagaallo, Qaraxyo, Jid gooyo, Barakac, Burbur, Baahi dhaqaale oo ay u sii dheertahay inuu yahay Qof leh Baahiyada gaarka ah una baahan adeeg ka duwan Midka ay helaan dadka caadiga ah oo Lixaadkooda dhan yahay, si kastaba intaas oo Caqabado ah kuna hareereeysan ismaaciil Marnaba kuma keenin inuu Nolosha ka dhaco iyadoo hal heyskiisu uu ahaa Naafanimadu Ma ahan awood darro, haddii aad adiga sameyn karto anigane waan sameyn karaa.

Ismaaciil Markii uu dhameeyay waxbarashadiisa Nidaamiga ah waxa uu Sanadkii 2013-kii iska diiwaan geliyay heerkiisa Jaamacadeed isagoo ku biiray Jaamacadda Simad gaar ahaan kuliyadda Banking and Finance oo ah Qeybta uu rabitaankiisa ahaa Maadaama hadafkiisa ugu weyn Mustaqbalka uu yahay suurto gelinta habkii uu dib ugu soo Nooleyn lahaa Hay’adaha dhaqaalaha Dalka oo dadkii isaga ka horreeyay ka gaabiyeen.
Ma sahlano inaad arday ka Noqoto wadan uu Dagaallo sokeeye aafeeyay adiga oo Qabo Baahiyada gaarka ah, Jiraan Duruufo dhaqaale oo baahsan iyo walwal ku salleeysan Fursadda aad Shaqo ku heli karto Marka aad ka aflaxdo waxbarashada aad Naftaada Qatarta u gelisay, si kastaba baaxadda dhibaatooyinkaas oo aan la soo koobi karin ayaan Marnaba Mugdi gelinin halganka uu ismaaciil ugu Jiro inuu Maqaam sare ka gaaro waxbarashada iyadoo ujeedkiisa uu yahay inuu Maalin Qurra arko isagoo u Khidmeeynayo dadkiisa iyo dalkiisa uu Qatarta ugu bareeray.

Ismaaciil oo ah Shaqsi go’aan iyo karti badan leh, Rabbina u hibeeyay garasho iyo Maskax fiyoow ayaa lagu xasuustaa inuu kamid ahaa ardayda baratanka ugu Jirtay Kaalmaha ugu sarreeyo Fasalka taasi oo uu dhowr Jeer ka soo Muuqday, si kastaba dadaalkii geesinimada lahaa ee uu ismaaciil Naftiisa kula Jiray ayaa Natiijo u Noqday inuu soo gabagabeeyo Afartii Sano ee waxbarashada heerka Jaamacadeed oo ku soo idlaatay dhibco sare iyo Qiimo Sharafeed aan Qoraal lagu soo koobi karin.

Subaxnimadii Qalin Jebinta ismaaciil oo xaflad aad u heer sarreeyso la soo agaasimay ayaa ku beegneyd (January-30-2018) oo Noqotay Madal Maalintaasi kulmisay tiro gaareeyso 690 arday oo dhamaantood ka aflaxay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Simad ka kooban tahay, haddaba arrinta xusida Mudan ayaa waxa ay tahay in Indhaha Bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamka kale intaba soo Jiiteen Markii lagu dhawaaqay Magaca ismaaciil laguna arkay isagoo rooga gaduudan lagu soo dhaweeyay taasi oo baaq cad u ah in Qof kasto uu ka Miro dhalin karo yoolkiisa haddii adkeeysi, go’aan iyo dulqaad aad la timaado.

Ugu dambeyntii Fal celin badan oo Baraha Bulshada lagu soo bandhigay ayaa iskugu Jiray amaan iyo Hambalyo lagu Muujinayo guusha Taariikhiga ah ee uu ismaaciil ka gaaray waxbarashada, sidaas si lamid ah Mar uu ismaaciil wareeysi siiyay Muuq baahiyaasha Maxaliga ayuu ku sheegay in ballan Qaad heerka Master degree ah uu u sameeyay Madaxweeynihii hore ee dalka Mudane Xassan Sheekh Maxamud iyo sidoo kale Premier Bank Faraciisa Magaalada Muqdisho oo Fursad Shaqo ugu yaboohay, isku soo wada duuboo ismaaciil waa Shaqsi soo hoyn karo guulo intaasi ka balaaran haddii aan Maanta garab istaagno.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Abdiqani Gaarane Barre (Dufle).