Askar Ka Tirsan Ciidamada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Oo Ku Dhintay Qarax Lagula Eegtay Buuraha Galgala

Sawir hore: ciidamada Puntland ee Galgala
Laba askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay ilaa afar kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii duhurnimadii maanta qarax miino lala eegtay gaari ay saarnaayeen oo marayey degaanka Balli-Khadar ee buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca askartaasi waxaana ay sidoo kale sheegeen in qaraxa uu burbur xooggan gaarsiiyay baabuurka miinadu la kacday ee askartaasi saarnaayeen.

Askarta ku dhaawacantay qaraxa ayaa dhaawacooda la geeyay isbitaalka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaasi oo hadda lagu dabiibayo.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi