Cabdirisaaq Salaad oo Ka Hadlay Saamaynta ka Dhalanaysa Keenista Shidaalka ee ay Xukuumadda Somaliland la wareegtay & Arrimo kale

Hargeysa (SalaanMedia)- Cabdirisaaq Salaad Faarax oo Khabiir bartay aqoonta dhaqaalaha iyo horumarinta ganacsiga, una dhashay Somaliland, ayaa ka warramay halka uu xilligan marayo ganacsiga qaybaha kala duwan leh ee Somaliland, Shuruucda ganacsi iyo dhaqaale ee dalka u degsan oo uu tilmaamay qabyo ka muuqata iyo sida loo sixi karo, ayaa sidoo kale sheegay inaanay habboonayn inay wakhtigan Xukuumadda Madaxweyne Biixi la wareegto keenista Shidaalka oo ay Shirkado gaar loo leeyahay hore u keeni jireen.

 

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay Ganacsade Cabdirisaaq Salaad Faarax, dhibaatooyinka haysta ganacsiga iyo dhaqaalaha Somliland, isagoo tilmaamay sida arrimaha carqalada ku ah ganacsiga meesha looga saari lahaa oo uu xusay in haddii wax laga qabto ay wax weyn ka tarayaan koboca dhaqaalaha dalka , horrumarka ganacsiga iyo shaqo la’aanta ka taagan dalka.

 

Cabdirisaaq Salaad oo loo yaqaan (Cabdi Salaad), wuxuu muddo dheer xubin ka ahaa rugta ganacsiga ee Dubia, isla markaana wuxuu lasoo shaqeeyay shirkaddo iyo Comppeny waaweyn oo caalami ah, wuxuuna xilligan ganacsi ku leeyahay Somaliland oo uu ka sameeyay Wetshed soo saarta Caradda qaaliga ah iyo ganacsiyo kale oo shaqeeya,