DAAWO:-Boqortooyada Sucuudiga Oo Soo Bandhigtay Gantaaladii Lagu Duqeeyay Xaruumihii Shidaalka Ee Dalkaasi

–Afhayeenka Militariga Sacuudiga oo soo bandhigay hadhaadiga Gantaaladii lagu qarxiyey Sabtidii xarumahooda shidaalka ayaa weerarkaasi ku eedeeyey dowladda IIRAAN.

Col.Turki Al-Malki ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday labo xarun oo waaweyn oo shidaalka laga soo saaro ayaa sheegay in weerarada loo adeegsaday ugu yaraan 18 diyaaradaha yar yar ee Droneka ah iyo waliba Gantaalada heerka hoose ku duula (Cruise missiles) oo gaadhi kara illaa 700km, isagoo intaasi raaciyey in tani ay cadeyn u tahay in gantaaladan aan laga soo tuurin dalka Yemen.
D
Inkastoo afhayeenka Sacuudiga uusan sheegin halka weerarkan laga soo abaabulay ayuu hadana sheegay inaysan macquul ahayn in kooxda Xuuthiyiinta oo weerarkan sheegatay ay tahay cida dhabta ah ee fulisay, wuxuuna soo bandhigay muuqaal kooban oo muujinaya in droneska ka yimaadeen jihada waqooyi ee xarumaha Abqaiq iyo Khurais ee la duqeeyey.

Wuxuu sheegay Col.Turki in hubka weerarka loo isticmaalay uu yahay hubka ay sameyso dowlada Iran.

Dowlada Iran ayaa dhankeeda Arbacadii shalay soo saartay digniin ku socota Dowlada Maraykanka oo ku hanjabtay inay tilaabo militari uga jawaabi doonto weerarkii Sacuudiga lagu qaaday, waxayna Xukuumada Tehran oo markale ku celisay inaysan wax lug ah ku lahayn weerarkaasi ay sheegtay in hadii Maraykanka uu soo weeraro ay iyaguna tilaabo adag oo militari uga jawaabi doonaan.
D