Deg Deg: Ciidamada Booliiska Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Boorama Iyo Arimaha Lala Xidhiidhinayo Xadhigooda

Boorame (Salaanmedia.com)- Warar hadda naga soo gaadhaya magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay saddex xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Boorama ee Somaliland.

Ciidamada Booliska Somaliland ee magaalada Boorama ayaa goordhoweyd xabsiga dhigay saddexdaa xildhibaan, xili ay ku sugnaayen Hotel-ka Raysa oo kamid ah huteelada ugu waaweyn magaalada Boorama.

Sida ay warbaahintu ogaatay xildhibaanadan ayaa waxa si qasab ah lagaga xidhay hutelkii ay ku sugnaayen, iyadoona waaran qabasho loo sidan, isla markaana ah xildhibaano xasaanad buuxda uu siiyey dastuurku.

Xildhibaanada oo goordhoweyd xabsiga dhexe ee magaalada Boorama loo taxaabay ayaa waxay kala yihiin: Guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada, Xildhibaan Maxamed Muxumed Faarax Dheerayste, Xildhibaan Mustafe Xasan Labo-qaydle iyo Xildhibaan Mustafe Indhosheed.

Xildhibaanadan ayaa waxa loo xidhay arrimo la xidhiidha sida la sheegay Jabhad dhowaan ka dilaacday deegaanada Dilla ee Gobolka AWDAL iyadoona halkaasi ka wada dad urursi, isla markaana lagu tobabaro deegaanadaasi oo ah bariga gobolka Awdal, sida noo xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelada Xildhibaanada la xidhay.

Foore oo isku dayday inuu wax ka ogaado xadhiga xildhibaanadan Taliska ciidamada booliska gobolka iyo ka degmada Boorama, ayaanay u suurto-gelin kadib markii ay ka jawaabi waayeen telefoonadooda gacanta.