Deg Deg : Kulmiye Oo Ka Hadley Heshiiskii Xisbiyada Mucaaridka Iyo Wareejinta Xilka Gudoomiye-nimo + [ Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com) Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Md Axmed Cabdi Dheere ayaa waxaa uu soo dhaweeyey isla markaana wax lagu farxo ku tilmamay heshiiskii shalay xisbiyada Mucaaridku ku ogolaadeen in kominshanka doorashooyinku ahaadaan 7 xubnood isla markaana doorashadii wakhtigeedii qabsoonto

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu cadeeyey in arinta saami qeybsigana uu qaranku xal ka gaadhi doono

Ugu danbeyn gudoomiyaha oo ka jawaabaya su,aal la weydiiyey ayaa sheegay in xilka gudoomiye nimada Kulmiye cid lagu wareejinayaa aaney jirin isla markaana reero isku wareejinayaa aaney jirin balse cidii noqon laheyd gudoomiyaha xisbiga uu shirweynaha xisbigu go,aamin doono

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=Qo45a1y4_0o