Guddida Qandaraasyada oo shaaciyey shirkadaha ku guulaystay Mashaariic kala duwan

Hargeysa (SalaanMedia)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka , ayaa maanta shaaciyey Shirkado ku guulaystay fulinta Lix mashruuc oo Arbacadii todobaadkii hore ay tartan u galeen tobanaan shirkadood , kuwaas oo dhammaantood ka hawl-gala gobollada iyo degmooyinka mashaariicda laga fulinayo.