GUURSO WAXAA LAGA YAABAA IN AY GABADHA AAD GUURSATAA CARUUR KUU DHASHEE

Nin ayaa muddo dheer Xaas lahaa, Xaaskiisana Wax Caruur ah ma aysan u dhalin.

Xaaskii ayaa maalintii dambe ku tiri:- Maad iska guursatid mid kale waxaa laga yaabaa in ay Caruur kuu dhasho’e

Ninkii ayaa yiri:- Maya Xabiibti ma doonayo. Waxaa laga yaabaa Inaad Murantaan, ka dibna aad ka Maseyrto ama aad ka Hinaasto.

Xaaskii ayaa ku jawaabtay:- Maya, ma Dhaceyso waan ku jeclahay Gacaliye, iyadana waan soo Dhoweynayaa, haddii eebe idmo mana Is Khilaafi Doonno.

Ninkii ayaa Ogolaaday, wuxuuna yiri:- Dhul kale ayaan ka Doonanayaa mid Halkaan Qariib ku ah si aydaan isku Khilaafin ee la soco wuuna baxay.

Maalmo ka dib ayuu soo laabtay isaga oo wata Ashuun ama Jalxad ka Sameysan Dhoobo oo uu u soo Xiray Dhar Dumar Cabaayadna u soo geliyey ka dibna wuxuu Dhex dhigay Qol ka mid ah Qolalkii guriga Ashuunkii oo lebisan oo gabadh u ‘eg

Wuxuu xaaskiisii ku yiri:- Taladaadii waan Qaatay Gacaliso waa taa Halkaas jiifta Gabadhii aan soo guursadey aad ayey u daalan tahaye faraha ka qaad beri ayaan iskiin bari doonaa ka dibna Shaqadiisii ayuu iska aaday.

Galabtii markuu Shaqadiisii ka soo laabtay ayuu u yimid Xaaskiisii oo Oohin Indhuhu Casaadeen, wuxuuna ku yiri:- Maxaa kugu dhacay Macaan?, yaa kaa Oohiyey?.

Xaaskii ayaa ku jawaabtay:- Naagtaan aad Keentay Saaka ilaa Hadda Caay iyo Afxumo ayey igu Waday, Madaxaada ayaan ku Dhaafayey, maahane Wax ay ii Reebatay ma jiraan, Sharafteydana meel ayey uga Dhacday.

Ninkii ayaa intuu is Xanaajiyey ayuu ku yiri “Ma Adiga ayey kugu bilowday isla maanta, Haddii aanan garaacin bahasha caloosa kuusan ka dibna Ul weyn oo Bud ah ayuu inta soo qaatay ayuu laba ka kala dhigay Ashuunkii ay Naagtu ka Maseyrtay ee dharka dumarka uu u xirey ama ugu soo lebisay.

Xaaskii ayaa Madaxu Wareeray Xishood, Ceeb iyo Yaxyax Dartiis. Ninkii ayaana ku yiri:- Haye Gacaliso hadda Raalli ma tahay ? sow Edeb uma yeelin?

Xaaskii ayaa Cod daciif ah ku tiri:- Alla waan ku baryayaa gacaliye, ha i Eedeynin, maxaa yeelay maseerku ama hinaasahu waa kulul yahay weliba marka Naag lagula qabo wey sii dhib badan tahay, xataa Jalxad ama Ashuunba ha ahaatee.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: Kamaal A Cali