Kala Duwanaasho Safaradii Madaxweyne Biixi Iyo Farmaajo Ku Tageen Jabuuti .

Haragaysa (Salaanmedia.com)- Madaxweyne Farmaajo Oo 19.08.2019 safar ku tagay dalka Jabuuti waxaa madaarka ku soo dhaweeyey Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele , Sidoo kale goobtii ay labada madaxweyne ku wada hadlayeen oo madaxtooyada aheyd waxaa yaalay calamada Somaliya iyo Jabuuti oo is dhinac yaala .

Madaxweyne Biixi oo maanta isna safar ku tagay dalka Jabuuti waxaa madaarka ku soo dhaweeyey Raysal wasaaraha Jabuuti Abdoulkader Kamil Mohamed , Sidoo kale goobtii ay madaxweyne Biixi iyo Geelle ku wada hadlayeen oo madaxtooyada aheyd-na waxaa yaalay oo kaliya calanka dalka Jabuuti , wax calan ah oo Somaliland ah oo madasha yaalay ma jiro.