Maamulka Dugsiyada Nuuradiin oo Abaalmarinno Qaali ah guddoonsiiyey 10-kii Arday ee ugu sarreeyey Nuradin Schools

Hargeysa (SalaanMedia)- Maamulka Dugsiyada Nuuradiin, ayaa maanta xaflad ballaadhan oo abaalmarinno qaali ah lagu guddoonsiiyey u qabtay 10-kii Arday ee ugu sarreeyey dugsiyada Nuuradiin oo kaalmaha hore ka galay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee dalka.

Munaasibadda oo ku qabsoontay Xarunta Dugsiga Sare ee Hablaha ee Nuuradiin, waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, Aqoonyahan, Abwaanno, Maamulka Sare iyo Ardayda Dugsiyada Nuuradiin, Waalidiin iyo Marti-sharaf kale.

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKA HOOSE