Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Guusha Xulka kubada cagta Soomaaliya

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa hambalyo u diray ciyaartoyda xulka kubada cagta Qaranka Soomaaliya oo caawa guul taariikhi ah ka gaaray dhigooda dalka Zimbabwe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa guul u rajeeyay xulka kubada cagta Soomaaliya lugta labaad oo ay ku ciyaari doonaan isbuuca soo socda magaalada Bulawao ee dalka Zimbabwe.

“Waxaad sharaf usoo hooyseen dalkiinna iyo dadkiinna, waxaana idiin rajeynayaa inaad guul kala soo noqotaan lugta 2-aad ee ciyaartan.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa lugta hore ee hordhaca isreebreebka Koobka Adduunka guul taariikhi ah kaga gaaray xulka dalka Zimbabwe kadib markii hal gool iyo eber uga badiyeen ciyaar ka dhacday dalka Jabuuti.