Madaxweyne Muuse Biixi oo ku dalxiisay beero ku yaalla degaanka Wajaale (Sawirro)

Madaxweyne Muuse Biixi oo ku dalxiisay beero ku yaalla degaanka Wajaale (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaly kormeer ku tegay mashaariicda dhulka lagu beerayo ee ka socota banka weyn ee Wajaale, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan Wasaaradda Horumarinta beeraha iyo ciidamada.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirrada wasaaradaha gaashaandhigga, Horumarinta Beeraha, taliyaha ciidanka qaranka iyo maamulka gobolka gobolka Gabiley iyo degmada Wajaale, ayaa saaka soo indho-indheeyey mashaariicda lagu beerayo banka Wajaale oo si fiican u miro dhalay, islamarkaana ay nimcada roobku si laxaad leh u soo saartay.

Xubno kamid ah saraakiisha ciidamada kala duwan ee qaranka oo gacanta ku haya mashaariicda ay banka lagu beerayo ee halkaas ka socda, ayaa ka xog warramay dedaalka ay ciidan ahaan ugu jiraan inay soo saaraan cunto ay ciidan ahaan manaafacaadsadaan, islamarkaana ay bulshada qaybaheeda kala duwan uga faa’iideeyaan.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed oo madaxweynaha kusoo dhaweeyey mashaariicda kala duwan ee ay wasaaraddiisu ka waddo banka Wajaale, ayaa si qoto dheer uga warramay dedaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan sidii wax soo saarkaasi meelo kala duwan oo dalka ah u gaari lahaa.

     Â