Madaxweynihii ugu da’da weynaa dunida oo geeriyooday isagoo 95 sano jir ah

Dowladda Zimbabwe ayaa ayaa si rasmi ah u shaacisay inuu geeriyooday Madaxweynihii hore ee Dalkaasi, Mr; Robert Mugabe, kaasoo in muddo ah xanuunsanayay

War qoraal ah oo bartiisa Twitterka uu soo dhigay Wasiirka Waxbarashada Zimbabwe, Fadzayi Mahere, ayuu kaga hadlay geerida Mugabe, isagoo yidhi ”nabad ku naso Robert Mugabe.”

Madaxweynihii hore ee Zimbabwe oo geeriyooday Mr. Mogabe oo ahaa 95 Sano jir,wuxuu in muddo ah la jiifay xanuun hayay iyo sidoo kale gabow is biirsaday, waxaana lagu daweynayay isbitaal ku yaala dalka Singapore, halkaasoo uu ku geeriyooday.

Mr. Mugabe waxaa xilka looga qaaday afgembi Militari Bishii November ee Sanadkii 2017, taasoo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano.

Wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabwe loo garanayay Rhodesia, waana shaqsi Taariikh weyn ku leh Dunida, inta badana lagu yaqiinay hadallo cad cad oo aan lahayn cabsi, marka uu la hadlayo siyaasiinta reer Galbeedka ah.

Waxyaabaha uu soo maray noloshiisa waxaa qeyb ka ahayd inuu xabsi ku jiray in ka badan 10 Sano, ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii, sidoo kale dowr weyn ayuu ka soo qaatay dhismaha Dowladnimada iyo hoggaaminta dalkaasi.