Meydka Sarkaal Ka Tirsanaa Amisom Oo Laga Helay Xalane

Meydka sarkaal ka tirsanaa Booliska AMISOM, gaar ahaan ciidanka Uganda ayaa sabtidii laga helay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalkaasi oo Kaaliye ahaa ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Edward Bagonza, sida uu shabakadda Pmldaily u xaqiijiyey Grace Turyagumanawe oo ka tirsan AMISOM.

Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkiisa, balse waxa uu sarkaalku sheegay in Meydkiisa laga helay guri uu ka deganaa xerada Xalane oo ah taliska guud ee ciidamada nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM.

“Waxaa meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla Muqdisho Sabtidii.” ayuu yidhi Grace oo aan faah faahin ka bixin sababta dilkiis

Taliska ciidamada AMISOM ayaa haatan wada qaban qaabada aaska sarkaalkaasi.

Dhacdadan ma’ahan tii ugu horreysay, waxaana horay gudaha Xalane isugu dilay dhowr askari, halka kuwa kale ay ku dhinteen iska hor imaadyo ka dhacay xeradaasi.

Howlgalka AMISOM ayaa waxaa ciidamada ugu badan ay ka socdaan dalka Uganda oo askar badan looga dilay gudaha Soomaaliya.