Munaasibad Qalin-jabin ah loo Qabtay Dufcaddii 4aad ee Qalin-jabisay Jaamacadda Rift Valley ee Hargeysa

Hargeysa (SalaanMedia)- Jaamacadda Rift Valley oo ka mid ah Jaamacadaha waaweyn ee ku yaalla magaalada Hargeysa, ayaa maanta munaasibad qalin-jabin ah u qabatay Dufcaddii 4aad ee ka Qalin-jabisa, kuwaas oo tiradoodu ka kooban tahay 150 Arday oo dhammaystay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

150-ka Arday ee xafladda Qalin-jabinta ah loo Qaybtay, ayaa dhammeystay Kulliyadaha Caafimaadka, ICT-ga, Dhaqaalaha iyo Maamulka & Maareynta.

Munaasibadda oo si heersare ah loo soo agaasimay, ayaa ka qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland, marti-sharaf ka kooban Haldoorka kala duwan ee Bulshada, Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda, Ardayda Qalin-jabisay, Waalidiin iyo Marti-sharaf kale.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose