Muran Sababay In Toogasho Lagu Dilo Waardiyihii Khaaska Ahaa Ee Boqorka Sacuudiga

Waardiyihii khaaska ahaa ee daba taagnaan jiray boqorka dalka Sacuudiga, Salman Bin Cabdul Casiis ayaa geeriyooday ka dib markii uu rasaas ku furay nin ay saaxiibo ahaayeen, kaasoo uu dhex maray ‘muran shakhsiyeed’, sida ay sheegeen booliska waddankaas.

Janaraal Abdel Aziz al-Fagham oo habeenimadii Sabtida booqanayay saaxiibkiis, ayaa la murmay Mamdouh bin Meshaal Al Ali.

Bayaan ay soo saareen booliska ayaa lagu sheegay in Ali uu ka baxay guriga ay isaga iyo Janaraalka ku sugnaayeen oo ku yaalla magaalada Jidda, wax yar ka dibna uu kusoo laabtay isagoo qori wata, ka dibna uu rasaas ku furay Janaraalka.

Qudhiisa waxaa toogasho lagu dilay markii uu diiday inuu isku dhiibo ciidamada amaanka, sida lagu xusay bayaanka ay soo saareen boolisku.

Janaraal Fagham ayaa dhaawac culus oo rasaasta lagu furay kasoo gaaray ugu geeriyooday isbitaalka.

Toddobo ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay dhacdadaas.

Waxaa dadka dhaawacmay ka mid ahaa labo ruux oo ku sugnaa guriga saaxiibka uu Janaraal Fagham booqashada ku tagay, iyo sidoo kale shan askari oo ka qeyb qaatay israsaaseynta.

Janaraal Fagham, oo mar walba daba-taagnaan jiray boqor Salmaan, ayaa ahaa nin si weyn looga yaqaanno wadanka Sacuudiga.

Wuxuu ahaa nin aad ugu dhow Boqor Salmaan, wuxuuna sidoo kale muddo dheer usoo shaqeynayay boqorkii hore ee Sacuudiga, boqor Cabdalla.

Dad badan ayaa baraha buslahada tacsi ugu diray ehelada Janaraalkan la dilay, waxayna ku qeexeen inuu ahaa “halyeey” iyo waliba “waardiye daacad ah”.

Boqor Salmaan ayaa taajka boqortooyada loo saaray sanadkii 2015-kii, isagoo ay markaas da’diisu ahayd 79 sano.

Dad badan oo indha indheeya xaaladda Sacuudiga ayaa sheega in maamulka boqortooyada uu gacanta ku hayo wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan.