Shir balaadhan oo ay jaaliyadda UK degan ee Garxajis ku qabsadeen London ayaa waxay ka Soo saareen war murtiyeedkan hoos ku qoran.

Shir balaadhan oo ay jaaliyadda UK degan ee Garxajis ku qabsadeen London ayaa waxay ka Soo saareen war murtiyeedkan hoos ku qoran.

1) In aanay wax cadaalad ahi Somaliland ka jirin.

2) In saxaafada iyo xoriyatul qawlka la cabudhiyo

3) In dad badan dulmi iyo sifo sharci darro ah ku xidhan yihiin

4) In ganacsata loogu hanjabo liisanka ayaanu kaa qaadi doonaa Hadii aanad lacagtaada ku Kala furfurin reerkiina.

5) In Khayraadka iyo mashaariicada horumarinta aan loo sinayn

6) In aanu si buuxda u taageersanahay Gudida guud ee Garxajis ee buurtii gacan libaax lagu Soo doortay. Waxaanu uga digaynaa In ay xukuumadu farafarayso Gudida.

7) In arinta General Caare lagu dhameeyo caqli iyo xigmad oo aan marnaba loo adeegsan xoog.

8) Waxaanu ku baaqaynaa in Somaliland dhamaan isugu yimaadaan shir beeleed lagu badbaadinaayo jiritaanka Somaliland.

Wabillaahi Tawfiiq

Jaaliyadda Garxajis ee UK