Shirkadda ALPHA TECH oo Xarun Cusub Ka Furatay Xaafadda New Hargaysa.

Hargeysa (SalaanMedia):-Ganacsiyada Kala Duwan oo Si Laxaad leh uga Jaanqaaday Dalka Somaliland Sanadihii u danbeeyey ayaa waxa jira Shaqsiyaad ama Muwaadiniin Iskood Dalka Maalgashiyo Waaweyn uga hirgaliyey Kaas oo ay Bulshada Somaliland ugu soo kordhiyaan Adeegyo iyo alaabooyin ay wakhtiyadii hore ka arradnaayeen.

Shirkada ALPHA TECH Oo ka Shaqeysa Waddamo Badan Oo Caalamka islamarkaana ay Leeyihiin Muwaadiniin Reer Somaliland ahi ayaa  Ganacsiyo Cusub Ka Bilowday Degmooyinka Caasimada Hargeisa, Waxaana habeenkii xalay Xadhiga laga Jaray Shirkada AlPHA TECH Xarunt Cusub oo ay ku yeelan doono xaafada New Hargeisa.

Masuuliyiinta Shirkadaasi iyo Gudoomiyihii Hore Rugta Ganacsiga Somaliland Mr Maxamed Shukri oo Si Rasmiya Xadhiga uga Jaray Meheradan Ganacsiga Cusub ayaa aad ugu Amaanay dadaalka Maalgashi ee ay Sameeyeen.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Warka Xarunta Cusub ee Shirkada ALPHA TECH.