Sucuudiga Oo Joojiyey Xijaabkii Uu Shardiga Kaga Dhigi Jiray Dumarka Shisheeyaha Ah Ee Dalkiisa Gelaya

Xukuumadda Sucuudiga ayaa joojisay shardigii ahaa in dumarka shisheeyaha ah ee dalkeeda gelayaa ay madaxa astuuraan, kaddib markii ay isbeddel ku samaysay xeerkii shuruudaha labbiska khuseeya ku soo rogayey dumarka shisheeyaha ah. Guddoomiyaha hay’adda qaranka ee hiddaha iyo dalxiiska ee dalka Sucuudig, mudane Axmed Khadiib ayaa sheegay in dumarka aan Sucuudiga ahayn aan lagu qasbi doonin in ay xidhaan cabaayadda, madaxana asturaan, arrintaas oo intii dalkaasi jirayba waajib ahayd, waxa se uu intaas ku daray in ay dumarka dalka soo gelaya ay kula talin doonaan in ay xidhaan dhar asturan.

Warbixin lagu daabacay wargeyska Bloomberg ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Sucuudigu uu markii ugu horreysay taariikhda dalkaas isu diyaariyey in uu soo jiito dalxiiseyaasha shisheeyaha ah, taas oo qayb ka ah dadaalka uu doonayo in uu abuuro dhaqaale horumarsan oo aan shidaalka oo keliya ku tiirsanayn.

Dalka Sucuudiga ayaa bilaabay in uu fiiseyaasha dalxiiska oo internet ka laga dalbanayo ka bixiyo 49 dal oo adduunka ah, halka dalalka soo hadhayna loo ogolyahay in ay safaaradaha iyo qunsuliyadaha Sucuudiga ka dalbadaan.

Sucuudiga ayaa hadda ka hor kaalmaha hore kaga jiray dalalka tegi taankoodu uu adduunka ugu adagyahay, marka laga reebo xilliyada cimrada iyo xajka oo uu dal-ku-galka u fududayn jiray muslimiinta soo gudanaya xajka iyo cimrada.

Intii ka dambaysay hoos u dhicii weynaa ee sannadkii 2016 kii ku yimi dakhliga shidaalka adduunka, waxa uu Sucuudigu bilaabay qorshe horumarinta dhaqaalihiisa ah oo uu doonayo in uu abuuro ilo dakhlo oo aan shidaalka ahayn, in dalxiiseyaasha dalka loo ogolaadaana waa tallaabo ka mid ah, laakiin waxa ay keentay furfurnaan xoog ah iyo isbeddel bulsho oo dalka ku dhaca, arrintaas oo muran badan oo diidmo iyo soo dhoweyn isugu jira ka dhex abuurtay muwaadiniinta Sucuudiga oo u badan muslimiin sunni ah oo diinta ku dhaqankeeda aad ugu dheggen, waxa aanay adduunyadu u dhego taagaysaa sida uu noqon doono dareenka dadku marka ay dhowaan bilaabato in jidadka magaalooyinka waaweyn ay soo buuxiyaan haween dalxiiseyaal shisheeye ah oo aan madaxa asturin sida oo kalana aan ku labbisnayn cabaayadda asturan ee dalkaasi caadada u lahaa.

Iibka khamriga iyo ogolaanshiyaha in ay huteelada wada degi karaan lammaaneyaal aan sifo sharci ah isku qabin ayaa iyaduna ah arrin kale oo dalxiiseyaashu u baahan doonaan, laakiin weli xukuumadda Sucuudigu kama ay hadlin waxa ay dalabkaas kalana ka yeeli doonto, inkasta oo uu wargeyska Bloomberg warbixintiisa ku sheegay in ay jiraan warar sheegaya in huteellada waaweyn qaarkood ay xukuumaddu ka dalbatay in aanay dadka soo degaya weydiinin xaaladdooda bulsho iyo aqoonsiga qoysnimadooda.

Qorshaha dalka Sucuudiga ayaa ah in sannadka 2022 ka ay dalxiiseyaasha Sucuudiga imanaya sannadkii tiradoodu gaadho 64 milyan.