War Degdeg Ah: Gorgor Caruur Ku Cunay Gaashaamo Oo La Dilay

Burco (Salaanmedia.com)- Wararka Ka Imanaya Magaaladda Gaashaamo ayaa sheegaya in dadka deegaankaasi ay dileen gorgor dhawr caruur ah ku cunay Magaaladaasi iyo deegaanadda Hoos Yimaada Qaarkood.

Gorgorkan ayaa waxa uu weerarku soo qaaday dhawrkii maalmood ugu danbeeyay caruurta degan deegaanada hoos yimaada Gaashaamo, waxaana dhaawaca qaar ka mid ah la soo gaadhsiiyay Cusbitaalka ku yaala Magaalada Burco, halka shalayna uu qof kale cunay.

Xukuumadda Deegaankaasi oo kaashanaysa shacabka magaaladaasi kudhaqan ayaa u hawl galay sidii ay qudha uga jari lahaayeen gorgorkaasi,waxaanay ku guulaysteen saaka in ay dilaan.

Baraha ay bulshaddu ku kulanto ayaa lagu baahinayaa sawiradda gorgorkaasi dad cunka ah.