War Layaableh: Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay ERGADII Soo Dooratay Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. JAWAARI + Sawiradda Ergada

Kooxda Al-Shabaab ayaa deegaanka Buulo Fulaay ee gobolka Baay kusoo bandhigay qaar ka mid ah xubnihii soo doortay baarlamanka federaalka kadib markii ay qaateen amarkii ay ugu yeertay kooxda.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ergadaan oo ah 76 qof ay ku jiraan qaar ka mid ah dadkii doortay xildhibaan Maxamed Cismaan Jawaari, oo horay u ahaa gudoomiyaha baarlamanka, ka hor inta aan lagu ridin dagaal ay ku qaadeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Baay iyo Bakool, Sheekh Cabdulaahi Macalin Geeddow iyo xubno uu ku jiro Sheekh Cali Katiin ayaa dadkaas kula hadlay munaasabad ay qabteen Shabaabka.

Odayaasha ay Shabaabka soo bandhigeen ayaa qayb ka ah dufcaddii sadaxaad ee iska diiwaan gelisa kooxda Al-Shabaab, oo ay bilihii la soo dhaafay ay u tagayeen ergooyin badan.

Waxaa ugu dambeeyey 51 ergo lagu soo bandhigay munaasabad ka dhacday degmada Bu’aale, kuwaasoo iyaguna sheegay iney kasoo laabteen falkii ay horey u sameeyeen, sida ay Al-Shabaab sheegeen