Warmurtiyeed laga soo saaray Shirweynaha Teknoolajiyadda Somaliland oo maanta soo xidhmay

Hargeysa (Salaan) Shirweynaha Technology-ada Somaliland oo maalintii shalay laga furay hotel Maansoor ee Hargeysa, ayaa maanta la soo gebo-gabeeyey, waxaana gunaanadkiisa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan doorka horumarineed ee adeegyada isgaadhsiinta iyo teknoolajiyadda ee Somaliland.