Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Dr. Cabdi Cismaan “Shibbiin” iyo wefti uu hogaaminayo oo


Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Dr. Cabdi Cismaan “Shibbiin” iyo wefti uu hogaaminayo oo ka socda Dawladda Somaliland oo maalmihii udambeeyey safar shaqo ku joogay magaalada Born, ee dalka Jarmalka,ayaa bookhasho ku tagay Machadka Farsamada Gacanta ee Wadanka Jermalka “German Federal Institute for Vocational Education and Training” .

Wasiirka waxa ku wehelinaya safarka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska; Wasaaradda Waxbarashada iyo Science ka; Wasaaradda Ganacsiga, Warshedaha iyo Dalxiiska; Rugta Ganacsiga; iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta oo berri ku biiri doonna waftiga.

Weftigu waxa uu warbixin ka helay Xafiiska Jarmalka u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Farsamada Gacanta iyo Tababarada, oo uga war bixiyay habka uu u shaqeeyo nidaamka TVET ka ee Jarmalku.

Wasiir Shibbiin waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay Somaliland u leedahay in la horumariyo, lana maalgeliyo farsamada gacantu. Waxa uu xusay in dawladda ka go’an tahay in wax laga qabto horumarta wadaagehaas.

Jarmalku waxa uu safka hore kaga jiraa aduunyadda marka ay noqoto farsamada gacanta iyo horumarinta xirfaddaha gaarka ah, waxaanu hadda diyaar u yahay in uu Somaliland ka taageero wax kasta oo la xidhiidha horumarinta farsamada gacanta iyo xirfaddaha gaarka ah.

Horumarinta farsamada gacanta iyo xirfaddaha gaarka ahi, waxay gacan ka gaysan doontaa kor u qaadista shaqo-abuurka in bulshada – wadan bulshadiisu u badan tahay dhalinyaro sida Somaliland, kuwaas oo wax ku dhaw 70% ay shaqo la’yihiin.

The Minister of Planning and National Development, His Excellency Dr. Abdi Osman “Shibbin” led a high-level delegation representing the Somaliland government to an official visit to the German Federal Institute for Vocational Education and Training in Bonn, Germany.

The Minister is accompanied by the Director Generals of the Ministry of Employment and Social Affairs, Ministry of Education and Science, Ministry of Trade, Industry and Tourism, Chamber of Commerce and other technical teams.

The Mission received a briefing from the the German Office for International Cooperation in Vocational Education and Training on German TVET systems.

Minister Shibbin undernoted the importance of developments and investment in the TVET sector for Somaliland and affirmed Somaliland government’s serious commitment to reform the TVET sector. Germany is a world leader in vocational and skills production and is aptly supporting Somaliland to work towards improving all matters to do with TVET. Improvements in TVET is envisaged to lead to a boost in job creation in a country where youth unemployment rate stands at a staggering 70%.