Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Xildhibaan Siciid Gaane oo Sheegay in Culaysyo Dibedda kaga yimi Madaxweyne Biixi Ku Kallifeen Hadalladii Is-buriyey ee uu Saldhigga Millateri Kaga Hadlay

Hargeysa (salaanmedia)- Xildhibaan Siciid Warsame Gaane oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi soo food-saareen Culaysyo Siyaasadeed oo dibedda kaga yimi, waxaanu ku eedeeyey sharci-jebin iyo musuqmaasuq Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa.

Xildhibaan Gaane, oo maanta u warramay Barnaamijka Xog-wadaag oo ka baxa Baddacas24tv, isla markaana uu daaddihiyo Cabdifataax Ismaaciil Mursal, ayuu sheegay in culaysyo siyaasadeed oo dibedda kaga yimi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku kallifeen hadallo isburiyey oo uu Sabtidii iyo axaddii toddobaadkan ka kala jeediyey Berbera iyo Burco ee la xidhiidhay saldhigga Millateri ee imaaraadka laga siiyey Berbera oo uu marna sheegay inay la soo noqdeen, saacado ka dibna uu yidhi heshiiskii kamaannu bixin.

Waxa kale oo uu Xildhibaanku Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ku eedeeyey sharci-jebin. Md. Siciid Gaane wuxuu xusay in Madaxweyne Biixi iyo Wasiirka Macdanta iyo Tamartu dagaal gaar ah la galeen isaga, isla markaana Shir-guddoonka Wakiillada ay ku amreen inuu ka qaado xilka Guddoomiyaha Guddiga Deegaanka iyo Khayraadka Dabeeciga ah ee Golahaas oo uu muddo hayey.

Xildhibaan Siciid Warsame mar uu ka hadlayey wadahadalka Hoggaamiyaha Jabhad ku jirta Buuralayda gobolka Sanaag ee Siciid Cawil Carre iyo Xukuumadda Somaliland, oo uu sheegay in Urur-goboleedka IGAD soo dhexgalay, isla markaana labada dhinacba talooyin u jeediyeen wadahadal ka dib.

Please follow and like us: