Aqoonyahan Reer Somaliland ah oo Gudd Faysal Cali Waraabe kula taliyey in uu xisbiga iska …

Aqoonyahan Reer Somaliland ah oo Gudd Faysal Cali Waraabe kula taliyey in uu xisbiga iska …

Scandanavianka kamay dhicin wali xisbi 3 jeer gudoomiyahoodu madaxweyne u tar tamay oo guuldaro 3 jeerba ka gaadhay oo sii jooga wali

Adeerkay Faysal cali waraabe oo inta badan xisbigiisa ku dhereriyaa wadamada Nordic country ama Scandanavianka waxaan u soo jeedin lahaa in la soo gaadhay wakhtigii jiil cusub iyo dhiig cusub xisbiga lagu wareejin lahaa adiguna aad noqoto odey xisbi.

Waxaan soo jeedinayaa in xisbiga lagu wareejiyo
Pro Ahmed Abdi Musa Abyan
wiilka gobolka Sool ka soo jeeda si aynu uga baxno 3 xisbi qaran ee isku beesha ah.

Halka beelaha kale ee cidhifyadu aanay hal xisbi qaran hogaankooda iyo musharaxnimdooda ka muuqan

Waa maxay in cidhifyada dadka ka soo jeeda gudoomiyayasha xisbiyadu ay mar kasta KU XIGEEN uun uga dhigtaan maxaa loo waayeey in Gudoomiye laga dhigo haddiiba ku xigeen u ogolaatay.

Hadaynu nahay beesha dhexe sidan wax wada lahaansho looma aqoonsana ee shacabka aynu tusno wax la wada lee yahay.

Amb Abdirizaq Afqaraf