Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Ciidamada Turkiga Oo Weli Wada Howl-Galka Syria

Ciidamada Turkiga iyo xulufadooda ayaa iska caabin kala kulmaya Kurdiyiinta, ayaga oo isku dayaya inay qabsadaan magaaloyinka ku yaalla xuduudda Syria, maalintii saddexaad ee howlgalka Turkiga ay ka wadaan waqooyiga Syria.

Ciidamada Kurdishka ay hoggaamiyaan ee Dimoqraadiga Syria (SDF) ayaa la kulmaya weeraro dhinaca dhulka ah oo ka socda dhul baaxaddiisu dhan yahay 120 km.

Waxaa jira dagaalo dhowr ah oo ciidamada SDF iyo Turkiga ku dhex-maraya dhowr jiid, badankoodna waa Tal Abyad illaa Ras al-Ain” Waxaa sidaas tiri kooxda la socoshada arrimaha xuququda aadanaha Syria.

Ciidmada Turkiga ayaa sidoo kale adeegsanaya duqeymo diyaaradeed iyo gantaallo culus, halka xoogagga SDF ay ku dhuumanayaan dhufeysyo dhulka hoostiisa ah.

Waxaa lagu warramayaa in Turkish-ka ay qabsadeen illaa 11 xaafad oo xuduudda ku teedsan, inkasta oo Kurdiyiinta ay sheegeen inay dib u qabsadeen laba ka mid ah.

Kooxda la socoshada arrimaha xuququda aadanaha Syria ayaa sheegtay in 41 dagaal-yahan laga dilay SDF, halka Turkiga ay sheegeen inuu ka dhintay hal askari.

Kooxdan ayaa sidoo kale sheegtay in illaa iyo hadda 17 qof oo shacab ah ay ku dhinteen dagaalka.

Please follow and like us: