Ciidammo Hubeysan Ayaa Gurigeyga Igu Soo Wareeray” Jawar Maxamed Hogaamiyihii Kacdoonkii Oromada…

Jawar Maxamed oo kamid ah dadkii ka dambeeyay isbaddalada ka dhacay Itoobiya ayaa sheegay in xaley lagu soo weeraray gurigiisa oo ku yaal magaalada Addis Ababa kaddib markii la sheegay inay ciidammo amniga ay gaareen gurigiisa.

Jawaar wuxuu sheegay in ciidammada dowladda ay ilaaladisa ku amreen inay isaga soo baxaan gurigiisa isago aan lagu wargelin.

Wuxuu ninka ku anddoocaday in tallaabadaas looga gollahaa in halis lagu geliyo noloshiisa.

Jawaar Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in taliyaha booliska uu u sheegay in ciidammada ay wadeen howlgal amni ah.

Jawaar Maxamed waa nin saameyn weyn ku leh isbaddalada siyaasadeed ee ka dhacay dalka Itoobiya, waxaa uu hogaaminayay dhalinyarada isbaddal-doonka ee qowmiyadda Oromada ee loo yaqaanno Qeero, waana milkiilaha telefishinka Oromo Media Network.

Waxay u muuqata isaga iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed inuu khilaaf soo kala dhexgalay maadama ay ahaayeen shakhsiyaad isu dhaw