Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Cuntadu Waa Ka Beri Miisaankaaga Dheeraadka Ah: Sababta 40 Sano Ka Hor Aanay Dadku U Naaxi Jirin (2)

Saddex sababood oo loo malayn karo in ay dhalinyarada maanta nool ay ku adkaynayso in ay ka dhabeeyaan miisaanka saxda ah ee jidhkooda, waxaa ka mid ah:

1 Kiimikada
Aadamaha maanta nool waxaa jidhkiisa gasha kiimiko badan oo laga yaabo in ay ka mid tahay sababaha kordhinaya miisaanka.

In kiimiko ay nolosha maanta ku xeerantahayna waxaa mara dhow inoogu filan waxyaabaha aynu isticmaalno oo dhammaantood ama intooda ugu badan ay kiimiko innaga soo gasho. Ka bilow sunta xasharaadka disha ee khudradda aynu cunno ay beeraleydu ku buufinayso, dharka aynu xidhanahay ee kiimikadu samayskooda iyo nadiifintoodaba qaybta ka tahay. walxaha ololka xakameeya ee furaashyada iyo qalabka guryaha la dhigto lagu dahaadho, maaddooyinka cuntada qasacadaysan ka ilaaliya qudhunka iyo in ay is beddesho, bacda iyo kiishashka ay cuntooyinka ku duubanno iyo maaddooyinka guryaha lagu nadiifiyo.

Kiimikadaas siyaabaha kala duwan jidhkeenna u gelaysa ayaa isbeddel ku keenta nidaamka hormoon ee jidhkeenna, waxa aanay cillad iyo Khalkhal gelisaa qaabka uu jidhka aadamuhu u heli karo miisaan ama iskaga ridi karo miisaanka.

Cilmibaadhisaha lagu sameeyey maaddooyinka kiimikaad ee nolol maalmeedka adduun ee maanta innagu xeeran waxa ay ka marag kacayaan khatarta dhinac kasta innagaga xeeran, ee ay ka mid tahay miisaanka sii ordhaya.

Dalalka adduunyada qaarkood ayaa iyaga oo khatartan dareensan waxa ay soo saareen go’aamo ay ku mamnuucayaan in dhulkooda la soo geliyo noocyo badan oo ka mid ah maaddooyinka wax lagu nadiifiyo iyo waxsoosaarka la isku qurxiyo waxaa ka mid ah dalalkaas Kanada iyo dalal Midowga Yurub ah oo mamnuucay kun iyo 3 boqol oo maaddo, laakiin dalal kale oo Maraykanka iyo Shiinuhu ka mid yihiin ayaa weli ku sii socda so osaarita xamuuradda debnaha la marsado iyo shaabmbiooyada jidhka oo leh maaddooyinka ay dalalkaasi mamnuuceen.

2 Dawada:
Sannadihii ka dambeeyey toddobaatanaadkii iyo siddeetanaadkii qarnigii tegey, waxaa dunida si xawli ah ugu sii badanaya isticmaalka dawooyinka xaaladaha caafimaad ee kala duwan loo isticmaalo. waxa se xaalka isticmaalku sii batay markii sannadkii 1988 kii ay soo baxday dawada Fluoxetine, oo magacyada kale ee lagu iibiyo ay ka mid yihiin Prozac iyo Sarafem oo loo isticmaalo xaaladaha nafsiga ah ee qulubka iyo walbahaarku ka mid yihiin. Dawadan ayaa maanta ka mid ah dawooyinka loogu isticmaalka badan yahay adduunka, laakiin waxa ay khubaradu xaqiijiyeen in dhibaatooyinka ay keento ay ka mid tahay miisaanka oo ay kordhiso.

Dawooyin ay dawadani ka mid tahay waxa ay qofka ku keenaan gaajo badan oo sababta in uu cunto badan cuno, waxa kale oo ay dawooyinka qaar wax ka beddel ku sameeyaan nidaamka shaqo ee uu jidhku u isticmaalayo tamarta, halka dawadan iyo dawooyin kalaba ay jidhka ku kaydiyaan tamar iyo biyo badan oo ay ahayd in uu jidhku saaro, taasina ay keento buurnim ama wax barar u eeg.

3 Fayras iyo bakteeriya
Cilmibaadhisaha caafimaad ee raadiyey sababaha buurnimada keenaa waxa ay sheegayaan in intii ka dambaysay siddeetamaadkii iyo illaa maanta uu isbeddel ku dhacay fayraska, fangiga, bakteeriyada iyo dulinka kala duwan ee ku nool oogaada iyo gudaha jidhkka iyo midhicirada aadamuhu. Waxaa ku soo biiray noocyo aan hore u jirin oo kala duwan, kuwaas oo ay xeeldheereyaashu caddeeyeen in ay dhaawacyo caafimaad darro oo kala duwan gaadhsiiyaan jidhka.

Meelaha ay saamaynta ku yeeshaan ee daraasaadku xaqiijiyeenna waxaa ka mid ah hannaanka shaqo ee guud, iyo xitaa shaqada uu jidhku cuntada ugu beddelanayo tamarta, waxa kale oo ay Khalkhal geliyaan awoodda abuurka ah ee uu jidhku ku kala nidaamiyo doonistiisa cuntada.

Waxa ay hore culimada saynisku u sheegeen in noocyo ka mid ah bakteeriyada ku dhalata midhiciradu ay qofka ku keento miisaankiisa oo dheeraad noqda iyo buurni badan.

Arrimaha ay khubaradu sheegeen in ay sabab u yihiin isbeddelka ku yimi bakteeriyada ama in ay sii xoojiyaan isbeddelkaas waxaa ka mid ah cunista badan ee hiblibka oo la aaminsan yahay in hilibka maanta aadamuhu cunaa uu ka badan yahay kii uu dadku tobannaan sano ka hor cuni jiray. Waxa iyaduna ka mid ah hoos u dhac ku yimi cunista cuntooyinak ganka / gaska leh iyo cuntooyinka waqtiyadan dambe la cuno oo uu dufanku ku badan yahay. waxyaabahaas oo is biirsaday ayaa ay xeeldheereyaashu sheegayaan in ay ka mid yihiin sabababaha ay noocyadii bakteeriyo ee awalba ku dhex noolaan jirtay aadamuhu, ay imika u noqdeen kuwo khatar badan.

Noolaha ili-maqabatayga ah ee jidhka aadamaha ku nool oo xakamayntiisu faraha ka baxday, iyo maaddooyinka kiimikaad iyo dawooyinka jidhkeenna la falgalayaa, waxa ay sabab u noqdeen in jidhka aadamuhu uu ka qara weynaado intii uu tobannaan sano ka hor ahaan jiray. Waxaana ka dhashay baahi lama huraan oo ah in qofku uu dadaal weyn geliyo sidii uu miisaanka ula dagaalami lahaa.

Please follow and like us: