Deg Deg: Masuul Xukuumadda Muuse Biixi Ka Tirsanaa Oo Ka Qayb Galay Xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe + Sawirkiisa

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Masuul Xukuumadda Muuse Biixi iyo Xisbi Xaakimka Kulmiyeba ka Tirsanaa ayaa ka qayb galay Munaasibadda Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo hadda kasocota Xarunta Kismaayo.

Maxamed Aadan Ilkacase oo ahaa agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqo galinta iyo arimaha Qoyska ee Xukuumadda Muuse Biixi ayaa kasoo dhex muuqday kuraasta munaasibadda Caleemo saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo kasocota xarunta maamulkaasi ee Kismaayo.

Lama garanayo cidda uu ka qayb galkan ku matalayo iyadoo ay Xukuumaddu go’aan ka qaadatay inaan munaasibaddaasi Magaca Somaliland lagaga qayb gali Karin