Dowlada Somalia oo digniin ka soo saartay Musiibo ku soo wajahan qeybo ka mid ah dalka.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay cabsida sii kordhaysa ee ku saabsan inuu fataho webiga, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Dawladdu waxay sheegtay in fatahaadaha ka dhashay roobabka da’ay ay keeneen in Beledweyne iyo degananada ku xeeran ay ka qaxaan ilaa 12 kun oo qoys, waxayna ka digtay in roobabka da’aya ay sare u qaadayaan heerka biyaha webiga taasina ay keenayso fatahaado.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaarada gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka ayaa waxay ku sheegtay in dadka ka qaxay biyaha ay u baxeen degaano jooggoodu sarreeyo, balse ay u baahan yihiin gargaar.

Waxay sheegtay in xaaladda ay sii xumaynayso fatahaadaha iyo abaaraha soo rafaadiyey dadka gobolkaasi ee isbiirsaday, waxayna ugu baaqday hay’adaha gargaarka inay dadkaasi gurmad la gaaraan.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sidoo kale roobab laxaad leh ay ka da’een Gobolka Gedo kaasi oo ay sidoo kale ka jireen dad ay abaaro barakiciyeen.