Duulaanka Turkigu Ku Qaaday Kurdiyiinta Waqooyiga Suuriya Iyo Jawaabihii UU Caalamku Ka Falceliyey

Galabta ayuu xaqiijiyey duullaankii dagaal ee uu muddooyinka ku goodiyayey inuu ku qaadi doono gobolada xiga waqooyiga suuriya, Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa ku dhowaaqay billowga howl-galka, oo uu ugu yeedhay “Guga Nabadda”, waxaana uu sheegay in looga dan leeyahay cidhib-tirka “halista argagixsada” ee ka dhanka ah Turkey.

Halkan Hoose Ka Daawo

https://youtube.com/watch?v=d2AfvPCwE8Q

Wadamo badan oo caalamka ah ayaa siyaabo kala duwan uga jawaab celiyey waddanka Turkiga iyo tallaabadan uu qaaday, wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Turkiga ayaa shacabkeeda baaq dheer ugu iclaamisay in ay ciidankooda geediga dagaal ku guuray ay u duceeyaan, iyadoo wasaarada u carriftay in culimada iyo goobaha cibaadada oo dhan looga akhriyo Suurat “Al Fatxi”

Ururka jaamacada carabta ayaa iclaamiyey inay isugu yimaadaan kulan aan caadi ahayn

Dalka Masar ayaa isagu cambaarayntii u horreysay dusha uga tuuray Turkiga, waxayna ku sheegtay duulaankan mid dawlad Carbeed lagu qaaday,

Sucuudiga ayaa dhankiisa dhaleecayntiisa turkiga kaga qayb qaatay.

Dalka Holand ee ay Turkiga ku wada jiraan isbahaysiga NATO ayaa u yeedhay Safiirkoodii Turkiga u joogay arrimo ka dhan ah duulaanka awgeed.

Madaxweynaha maraykanka Trump ayaa isaguna tweeterkiisii ka yidhi Turkigu wuxuu samaynayaa wax xun, waxaanu guran doonaa midhaha,

Dalka Jarmalka ayaa isaguna ku tilmaamay duulaankan Turkigu ee waqooyiga suuriya mid xagjiriintii Daacish dib u soo noolaynaya.

Midawga Yurub ayaa dhankiisa kaga baaqay in Turkigu joojiyo duulaanka uu ku qaaday Kurdiyiinta Waqooyiga Suuriya,

Xoghayaha Guud ee Golaha Amaanka ayaan isaguna baajin baaqiisa, isaga oo bayaan ku sheegay in la badbaadiyo shacabka suuriya.

Isbahaysiga NAto ayaa Turkiga ugu baaqay in uu dajiyo xiisada dagaal, wada xaajoodna ku soo laabto.

Ruushka ayaa sheegay in dagaalkani yahay mid aan dawlada Suuriya lagala tashan,

Dawlada Suuriya laf ahaanteeda ayaa sheegtay in ay ciidanka Turkiga dalkeeda ka difaacan doonto

Hase ahaatee waddanka Turkiga ayaan waxaas oo dhan dheg jalaq u siin, isaga oo ciidamadiisu si degdeg ah u bilaabeen duqayn xaga cirka ah, isagoo bartilmaameedsaday Magaalada Rasul Cayn, Ciidamadiisa lugtuna waxay maantaba ka gudbeen Xuduuda Suuriya uu lawadaago.