Ganacsade Cali Ibraahim oo Sheegay inaanay Xukuumaddu Wax Shidaal ah keenayn

Hargeysa (SalaanMedia)- Ganacsade Cali Ibraahim Ciise (Cali Waraabe), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar muddooyinkii u dambeeyey bulshadu isla dhexmaraysay oo lagu sheegay in xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ay dalka Keenayso Shidaal.

 

Wararka arrintan sheegaya ayaa soo baxay kaddib uu madaxweyne Biixi dhawaan soo saaray go’aan uu gacanta dowladda dib ugu soo celinayo Haamaha Keydka ee Shidaalka magaalada Berbera oo ay hore gacanta ugu hayeen Iskaashato Ganacsato ah oo dalka keena Shidaalka kuwaas oo ay ku wareejisay xukuumaddii hore ee madaxweyne Siilaanyo ku wareejisay.

 

Ganacsade Cali Waraabe oo ka mid ah ganacsatada dalka keenta shidaalka oo telefishanka HCTV wax ka weydiiyey jiritaanka Arrintan, waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warka arrintan ku saabsan, isagoo sheegay inay ganacsatada Shidaalku madaxweynaha u tageen kalana hadleen Arrinta Haamaha Keydka Shidaalka.

 

Faahfaahinta Warkan iyo Hadalka uu Ganacsaduhu ku faahfaahiyey Arrimahan, kaga bogo muuqaalka Hoose