Gudoomiye Ciro Oo Hanbalyo U Diray Raysal Wasaaraha Itoobiya

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakada Facebook ayaa waxaa uu hanbalyo u diray raysal wasaaraha Itoobiya oo maanta ku guuleystay bilada nabada Aduunka ee Noble Peace prize

“Hambalyo! Waxa aan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u dirayaa Raysul wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed Cali oo saacado ka hor ku guulaystay shahaadada ‘Noble Peace Prize’ ee dalka Norway laga bixiyo, isaga oo noqday qofkii boqolaad ee hela abaal-marintaas, waxa uu Dr Abiy ku mutaystay oo lagu abaalmariyey nabadda iyo xasiloonida uu ku soo kordhiyey gobolka iyo rejada uu galiyey dadkiisa.

Waxa uu isku soo dhaweeyey dadkiisa oo kala-qeybsanaan baahsani ku dhacday waxaana uu u abuuray niyadsami, rejo iyo isu-soo-dhaweyn dadkiisa iyo caalamka kale-ba oo u arkay halyey hoggaamin wacan. Geeska Afrika oo colaado ka holcayaan buu muddo yar u beddelay nabad kana abuuray isfahan iyo xidhiidh isaga oo la heshiiyey Ereteriya, dhexdhexaadiyey Jabbuuti iyo Ereteriya, dhawr jeerna isku dayey Soomaaliya iyo Kenya, maantana ku jira hawshaas oo dalkiisa lagu shirsan yahay.

Hoggaanka wanaagsani waa midka dadkiisa isku haya ee aan kala firdhin, Caalamku waxa uu madaxda ku ixtiraamaa hadba inta ay dadkooda sharaf iyo haybad ku leeyihiin “