“Habar-Yoonis iyadaa guulaysatay… haddii Xukuumadda Somaliland inta hadhsan kaga baxdo, annagaaba Jabhadda ku biiri…” – Siyaasi Ismaaciil Cabdi

Hargeysa (SalaanMedia)- Siyaasi Ismaaciil Cabdi oo ka mid ah siyaasiyiinta Madaxa-bannaan ee Somaliland, inta badanna gorfeeya kana hadla Arrimaha Bulshada iyo Wax-ka-qabashada caqabadaha hortaagan Danta Guud ee umadda, ayaa sheegay inay guul la taaban karo ka soo hoyeen ergadii ku gudo-jirtay dhex-dhexaadinta xukuumadda iyo Jabhadda Corneyl.

 

Siyaasi Ismaaciil waxa uu ku dooday in ergadadaasi ku guulaysatay wejiga hore ee soo-afjaridda arrinta Caarre, balse shacabka kale ee Somaliland iyo xukuumaddaba looga baayahan inaanay ku eegin dhammeystiran arrintan oo uu ku tilmaamay tallaabo u baahan in si heer qaran ah wax looga qabto.

 

Siyaasigu waxa uu sidan ku sheegay mar uu maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, isagoo dhinaca kalena tilmaamay saamayn ka dhalan karta haddii Ergadaasi lagu eego wejiga labaad ee dhammeystirkeeda ama ay noqoto mid xukuumaddu ka gaabiso.

Hadalka Siyaasigan oo uu dhinacyo badan uga hadlay si dadban iyo toos ahba, kaga bogo muuqaalka hoose.