Jamal Khashoggi: “ Xogta Xasaasiga Ah Ee La Helay Sannad Ka Dib “

Kooxaha u ololeeya Xuquuqda Aadanaha waxay dalbanayaan in cadaallad ay helaan qoyska weriyihii caanka ahaa ee Sacuudiga u dhashay Jamal Khashoggi, sannad ka dib markii lagu dilay Turkiga.

Maamulka Sacuudiga weli ma aysan muujin “isla xisaabtan macno leh”, ayey qortay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xigatay hay’adaha Xuquuuqda Aadanaha.

Hay’adahan waxay Boqortooyada ka dalbanayaan in la sii daayo dad kale oo dowladda dhalleeceyn jiray oo weli xabsiyo ku xiran.

Jamal Khashoggi, oo ka tirsanaa wargeyska Washington Post, waxaa lagu dhex dilay, maydkiisana lagu jarjaray, Qunsuliyadda Sacuudiga ee ku taalla Istanbul, 2-dii bishii October, ee sannadkii la soo dhaafay.

Waxaa la sheegay in 15 xubnood oo u shaqeynayay dowladda Sacuudiga ay Turkiga u tageen fulinta howshaas. Illaa iyo haddana maydkiisa lama helin.

Sida ay qortay AFP, 11 qof oo arrintaas lagu eedeeyay ayaa maxkamad lagu soo taagay Riyadh, kuwaas oo shan ka mid ah lagu xukumay dil, balse dhageysiga dacwadda waxay ka dhacday meel qarsoon, lamana shaacin magacyada eedeysanayaasha.

“Maamulka Sacuudiga wuxuu xannibay isla xisaabtan wax ku ool ah oo la xiriira dilkii Khashoggi,” ayey tidhi hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch.

Hay’adda waxay cambaareysay hadalkii dhowaan ka soo yeeray dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan oo sheegay in uu aqbalay in masuuliyad wadareed ay ahayd dilkii Khashoggi, balse wuxuu beeniyay in isaga si shaqsi ah loogu eedeeyo arrinta.

“Haddii ay dhab ka tahay, amiirka iyo dowladdiisa waxay soo bandhigi lahaayeen maxkamadeyn daahfuran, waxayna shaacin lahaayeen waxkasta oo ay ka og yihiin qorsheynta, dilka iyo ka dib wixii dhacay markii la dilay Jamal Khashoggi,” Waxaa sidaa sheegay Agaasimaha HRW ee Bariga Dhexe, Sarah Leah Whitson.