Magacyada Saddexda Xubnood Ee La Filayo In Madaxweyne Biixi U Soo Xulo Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hargaysa (Salaanmedia.com) Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu maanta golaha wakiilada u gudbiyo toddobada xubnood ee loo soo xulay inay noqdaan guddiga cusub ee doorashooyinka qaranka.

Labada xisbi mucaarad iyo shirguddoonka golaha guurtida ayaa Madaxweyne Biixi u gudbiyay xubnaha ay u xuleen guddiga cusub ee doorashada oo ay tiradoodu noqonayso 4 xubnood, laakiin Madaxweyne Biixi ayaan weli la garanayn saddexda xubnood ee uu u xulay.

Hase yeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynuhu diyaariyay saddex xubnood oo magacyadoodu kala yihiin

1 Mustafe Maxamed Daahir oo ah nin dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah
2 Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ka tirsanayd guddiga uu xilku ka dhammaanayo ee doroashooyinka
3 Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) oo ah siyaasi caan ah
Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa inuu maanta u gudbiyo shirguddoonka golaha wakiilada toddobada xubnood ee guddiga doorashooyinka oo dhammaystiran si ay uga gutaan waajibaadkooda distooriga ah.