Rai’sul Wasaaaraha Pakistaan Oo Dhexdhexaadinaya Iran Iyo Sacuudiga

Rai’sul wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa booqanaya dalka dariska la ah ee iran.

Rai’sul wasaare Khan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu dhexdhaxadiye ka noqdo wadahadalo dhexmara Iran iyo sacuudiga

Xilli ay shir jaraa’id ay si wadajir ah u qabteen magaaalada Tehraan madaxwayne Ruuxaani ayaa waxa uu sheegay in Pakistan aysan doonayn in ay aragto dagaal dhexmara Iran iyo Sacuudiga.

Mr Khan ayaa isku dayaya in uu dajiyo xiisada gobolka gacanka oo muddooyiinkii ugu dambeeyay cirka isku sii shareereysay.

Saraakiisha dalka Pakistani ayaa waxay sheegeen in uu la kulmi doono hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, iyo madaxwayne, Xassan Rouhani.

Mr Khan ayaa sheegay bishii aanu soo dhaafnay in Mareykanka uu ka codsaday in uu dhexdhexaadiye ka noqdo khilaafka Sacuudiga iyo Iran.

Waxaa sidoo kale Mr Khan lagu wadaa in uu booqdo toddobaadka soo socda dalka Sacuudiga.

Wariyayaasha ayaa sheegaya in Pakistan ay xiriir qota dheer la leedahay labada dal ba.

Dalka Sacuudiga ayaa waxaa ku nool labo milyan iyo bar u dhashay dalka Pakistan.

Booqashada ra’sul wsaaraha Pakistan ee Iran ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Iran wali baritaan ku hayso Markab ay leedahay oo weerar lagu qaaday.

Afhayeen u hadlay dowladda Iran ayaa sheegay “weerarka fuleynimada” ee lagu qaaday markab saliidda qaada oo ay Tehran leedahay loo adeegsaday gantaal, Iran ay jawaab kulul ka bixin doonto.

Wakaaladda wararka ee Iran Iran oo soo xigatay afhayeenka xukumadda Tehran Cali Rabiic ayaa sheegtay Markabka weerarka loo geystay ee Sabit inuu marayey Jimcihi biyaha dalka Sacuudi Carabiya.

Tani iyo bishi May ee sanadkan waxaa gobolka ka dhacayey weerarro loo geysanayey maraakiibta saliidda qaadda oo ay leeyihiin waddama kala duwan.

Bishii Febraayo dhaxal-suge Maxamed Bin Salman oo loo yaqaano MBS ayaa booqday Pakistan isagoo balanqaadaya lacago balaayiin ah.

Balse lacagta ayaa ah qeyb ka mid ah xiriirka sii qoto dheeraanaya ee labada dal.

Pakistan ayaa xilligaasi noqotay halkii ugu horreysay uu booqdo safarkiisa uu ku maray shan dal oo Aasiya ku yaallay.