Siyaasi Caan Ah Oo Gabadh Uu Shukaansaday Siiyay In Ka Badan 16 Milyan Oo Dollar!

Jabuuti (Salaanmedia.com)- Ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan, Sacad Al Xariiri ayaa 16 milyan oo doolar haddiyad ahaan u siiyay gabar u dhalatay dalka Koonfur Afrika oo xayaysiisa dharka hoos gashiga ah ee ay ku dabaashaan dumarka, sida uu ogaaday wargeyska The New York times.

Arrintan ayaa la ogaaday kadib markii waaxda casnhuuraha ee dalka Koonfur Afrika ay damceen inay ogaadaan halka ay lacagta ka timid, taas na ay keentay in arrinta ay maxkamad tagto.

Wargeyska ayaa waraaqo uu ka helay maxkamad ku taala dalka Koonfur Afrika waxaa uu ku ogaaday in gabadhan ay horay u sheegtay in xirir haasaawa uu ka dhaxeeyay iyada iyo Sacada Al Xariir, kadib markii ay ku kulmeen goobo loo dalxiis tago oo ku yaala jasiiradda Seychelles.

Ra’iisul wasaare Sacad Al Xariir ayaa xiliga uu lacagta siinayay Ms. Van der Merwe waxaa la sheegay in uusan wax xil ah heynin, waxaana sidoo kale la sheegay inay ahayd 2013-ka. Lacagta uu siiyay gabadha ayaa sidoo kale la sheegay in aysan waxba ku jabneyn oo uusan jabinin sharciyada u degsan dalalka Lubnaan iyo Koonfur Afrika.

Arrintan ayaa soo shaac baxday xilli dalka Lubnaan uu wajahayo dhibaatooyin dhaqaale.

Lacagtan ayaa la sheegay in uu u diray intii u dhaxeysay labada jeer ee uu xilka qabtay ee sanadkii 2013-ka.

Ms. van der Merwe ayaa xiligaas ahayd 20 sano jir, oo waxay kusoo caan baxday xayeysiis ay u sameyeysay shirkad sameysa cabitaanka.

Isla sanadkii 2013-ka, ayaa hantida Van der waxay noqotay 15 milyan oo doolar, kadib markii ay lacagta ka heshay Xariiri.

Lacagta ay heshay gabadhan ayaa la ogaaday, kadib markii waaxda canshuraha ee dalka Koonfur Afrika ay damceen inay canshuuraan lacagta lagu arkay akoonka bangigeeda, hasayeeshee Ms. van der Merwe ayaa ku dooday in lacagtaas ay tahay haddiyad, oo aysan ahayn in la canshuuro