Siyaasi Cabdilaahi Darawal Ayaa Walaac Ka Muujiyay Qabsoomidda Doorashooyinka Somaliland

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Cabdilaahi-Darawal) oo xilal Wasiirno kasoo qabtay Somaliland,ayaa sheegay in wakhti xaadirkan ay fadhiid noqotay Dimuqraadiyaddii Somaliland,taasna ay sabab u tahay Muddo-dhaafyadda soo noqnoqday ee Gollayaasha Qaranka iyo Muranadda hadheeyay hanaanka Doorashooyinka Dalka.

Waxa uu intaas raaciyay inay Beesha Caalamka ee Somaliland taageertaa si weyn uga niyad-jabsan yihiin Muranadda taagan ee aan dhamaadka lahyn,waxaana uu ku taliyay in loo istaago sidii waddanka halkan uu joogo looga dhaqaajin lahaa.

“ Imika Dumuqraadiyadeenii wey fadhidaa,wey istaagtay. Haddii aynu u haysano uun mooyi marka Codka la dhiibanayo,haddii aynu taas u haysano wey qaldanahay.Dimuqraadiyadu waa Nidaam dhan oo aynu doonayno inay waddanka ku horumarino oo dadku ku kala badbaado oo Nin walba Xoriyadiisa ku helo” ayuu yidhi Cabdilaahi Darawal oo Magaaladda Hargaysa kaga qeyb-galayay Dood lagaga hadlayay Furdaaminta Muranka Saami-qeybsiga.

Dhinaca kalena waxa uu walaac ka muujiyay qabsoomidda Doorashooyinka Dalka waxaana uu yidhi

“ Golle shaqanayaa ma jiro, golle la dooranayaa ma jiro,Doorasho imanaysaa ma jirto, Afartii Nin ee Komishanka ayaynu ilaa intii isku haysanay” ayuu yidhi Cabdilaahi-Darawal