Trump Oo Ilhaan Cumar Weerar Afka Ah Ku Qaadey Isaga Oo Ku Sugan Gobalka Laga Soo Doortay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isagoo ku sugan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota weerar culus oo xagga afka ah ku qaaday Ilhaan Cabdullaahi Cumar, oo ah wakiilka aqalka Congress-ka ee gobolkaas laga soo doortay.

Trump, oo u muuqday inuu markan Ilhaan ku bartilmaameedsaday gobolka hoyga u ah gudihiisa, ayaa halkiisa kasii waday dhaliilaha uu u jeedinayo siyaasiyadda kasoo jeedda Soomaaliya.

Wuxuu dadka reer Minnesota ku canaantay sababta ay wali raalli uga yihiin inay Congress-ka ku matasho Ilhaan Cumar.

“Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ee la yiraahdo Ilhaan Cumar waa qof neceb Mareykanka waxay iska indha tirtay weerarkii September 11 ee lagu soo qaaday waddankeenna, sided ku oggolaateen in qof noocaas ah uu idinku matalayo Minnesota, aniga aad baan idiinka careysanahay dadkiinnan hadda”, ayuu yiri Trump.

Dagaalka Ilhaan iyo Trump: Ilhaan Cumar oo ka shaqeyneysa hindise sharciyeed u daneynaya Soomaaliya

Hadalka Trump ayaa qeyb ka noqonaya dagaalkii kharaaraa ee isaga iyo Ilhaan u dhaxeeyay tan iyo markii uu xilka madaxweynaha qabtayba.

Horay waxay Ilhaan iyo Trump warbaahinta iyo baraha bulshada isku mariyeen eedeymo iska soo horjeeda, wuxuuna midba kan kale ku eedeeyaa inuu cadow ku yahay shacabka Mareykanka.