War Deg Deg Ah: Sarkaal Ka Tirsan Jabhadda Caare Oo Kulankii Madaxweyne Biixi Ka Qayb Galay Oo Shaaciyay Arin Cajiib Ah “Waxaan Kashifayaa Siro Badan Oo Kulankaasi Kujiray”

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Afhayeenkii Jabhadda Kornayl Caare Sakariye Nuur Cabdilaahi (Saajin) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga iyo Whatsappka waxa uu ku shaaciyay inuu ka qayb galay kulankii Hargeysa dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Oday dhaqameedka Beesha Garxajis, Waxaana uu sheegay inaanu kulankaasi u dhicin sida warbaahinta laga baahiyay balse uu ka duwanaa, waxaana uu sheegay inuu saacadaha soo socda siro badan badka soo dhigayo.

Waxa uu ku yidhi qoraalka uu baahiyay sidan “ Kulankii ku dhamaaday kashifka iyo Karaamo darada ee Guriga Keligii Taliska ku Dhexmaray Hogaanka iyo Madax dhaqameedka Beelaha Garxajis iyo Kaahin Iyo Biixi oo aan goob joog ka ahaa aniga oo ah Sarkaal ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Cadaalada iyo Sinaanta Dulmi Diid ee uu Hogaamiyo General Siciid Cawil Jamac (CAARE) aniga oo Salaadiinta ka soo raacay Gobolada Bari si aan goob joog uga ahaado Wada Hadalkii guul darada iyo Bahdilka ku soo gebagaboobay , kaas oo ka dhacay aqalka gaarka ah ee Cornel Muuse ee ku yaala state house.

Runtii kulankaasi wuxuu u dhacay si ka duwan sida warbaahinta laga baahiyay oo aad u fool xun sida idiinka muuqata taswiirta sawiradayda waxa meeshaas aan kula kulanay waxay ahaayeen kuwo aan naftayda ku go’aan qaadatay oo aan ku xaqiiqsaday waxyaabo badan oo aan tuhunsanaa dhinac kasta aniga oo mabda’aygii haysta isla markaasna aniga iyo Saraakiil kale oo tiro badani gurada Guriga Muuse iyo hortiisa ku sugan waxa aanu kulankii kala dareernay anaga oo aad u faraxsan isla markaasna mabaadiidayadii hore sii laba jibaarantay,

Wuxuu ku soo koobay qoraalkiisa sida “FAAHFAAHINTA KULANKAAS FILO SAACADAHA SOO SOCDA”.