Xisbiga WADDANI Oo Dib Ula Noqday Xubintiis Gudida Doorashooyinka, Dacwadna Ka Gudbiyay Laba Xubnood Oo Uu Madaxweyne Biixi Soo Magacaabay.

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Warar lagu kalsoon yahay oo nasoo gaadhay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Somaliland Beeshe Maxamed Faarax sheegay inuu Madaxweyne Biixi Gollaha Wakiilada u soo gudbiyey liiska Magac-yadda todobadii xubnood ee Guddida cusub ee Doorashooyinka Qaranka Somaliland,kuwaas oo uu sheegay in uu golluhu waajibkiisa ka gudan doono.

Dhanka Kalene Guddoomiye Beesha ayaa shaaca ka qaaday in xisbiga WADDANI uu hakiyey Xubintiisii u meteli lahayd Komishanka cusub ee doorashooyinka,waxaanu sheegay inay war-qad uu WADDANI ku hakinayaan xubintiisa ay golllaha soo gaadhay, iyadoo uu xisbiga WADDAN ka biyo diiday laba xubnood oo uu Madaxweynuhu soo xulay, kuwaas oo kale ah Cabdirashiid Riyo Raac oo ka tirsan gollaha dhexe ee xisbiga KULMIYE iyo Kaltuun oo kamid ahayd Komishankan hadda wakhtigiisii sii dhammaanayo, kuwaasi oo muran keenaysa haddii Xubin ka mid ah dib loo soo magacaabo.

Warkan oo faah faahsan goordhaw filo.