Xukuumadda Afgaanistaan Oo Sii Daysay Saraakiil Daalibaan Ka Tirsanaa Oo Ay Xabsiyada Ku Hayeen

Xarakada Daalibaan ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda waddanka Afgaanistaan ay xabsiyada ka sii daayeen tiro ka mid ah kooxdooda oo muddooyin kala duwan ku xidhnaa xasbiyada waddakaasi ee ay maamulaan xukuumadda Madaxweyne Ashraf qaani inkasta oo ay muddo dheer kooxda Daalibaan diidanayn aqoonsiga xukuumadda beesha caalamku aqoonsan tahay ee dalkaasi.

Afhayeen maanta u hadlay Xarakada Daalibaan oo u warramayay wakaaladda wararka Associated Press waxa uu sheegay in saraakiil sare iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daalibaan ay xukuumadda Afgaanistaan maanta oodda ka qaaday kuwaasi oo ay ku sheegeen in uu ku jiray sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Daalibaan, iyaga oo dhammaantood ahaa kuwo muddo ku xidhnaa xabsiyada dalkaasi.

Masuulkan Daalibaan u hadlay ma sheegin sababta rasmiga ah ee keentay in saraakiisha xukuumadda dalkaasi Afgaanistaan ay u sii daayeen canaasiirta Daalibaan ka tirsan balse waxa loo malaynayaa in go’aankani ka dambeeyey isu soo dhawaanshaha muddoba la doonayay in kalsooni looga dhex abuuro kooxda Daalibaan iyo xukuumadda Afgaanistaan oo muddo dheer dagaal u dhaxeeyey.

Sabtidii toddobaadan waxa kulan hordhac ahi dhex maray sarkaalka kooxda Daalibaan u qaabilsan wada hadallada iyo masuul ka socday xukuumadda Maraykanka kadib in muddo ah oo ay hore isu taageen waanwaantii labada dhinac u socotay.

Kooxda Daalibaan oo dagaal culus dalkaasi ka wadday tan iyo markii Maraykanku xukuumadoodii dalkaasi Afgaanistaan ka talinaysay ay rideen ee duulaanka ay ku soo qaadeen sannadkii 2001, iyada oo wixii intaasi ka dambeeyey ay kooxda Daalibaan dagaalo googoos ah dalkaasi ka wadday iyaga oo wakhtigan gacanta ku haya kala badh bedka dhulka waddanka Aghaanistaan.