Danjire Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka dareen-celiyey Xilka Madaxweynaha Somaliland u magacaabay

Hargeysa (SalaanMedia)- Digreeto uu shalay soo saaray Madaxweynaha Somaliland,ayaa waxa uu ku magacaabay Sagaal masuul oo isugu jira Safiirro iyo safiir-ku-xigeennada Somaliland u fadhiya dalalka Itoobiya, Jarmalka, Norway, Sucuudiga, Yemen, Koonfur Afrika, Ingiriiksa iyo Midowga Yurub, halka uu sidoo kale xilalka ka qaaday masuuliyiintii hore u haysay xilalkaas.

Shakhsiyaadka uu Madaxweyne Biixi xilalka u magacaabay waxa ka mid ah Suxufiga ruug-caddaaga ah ee Barkhad Maxamuud Kaariye oo Madaxweynuhu u igmaday inuu qaranka uga wakiil noqday xilka Safiir ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Itoobiya.

Haddaba, Danjire Barkhad Maxamuud Kaariye oo ah Suxufi ka soo shaqeeyey warbaahinta maxalliga iyo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadaha BBC-da iyo VOA-da, muddooyinkii u dambeeyeyna ahaa Macalin duruusta saxaafadda ka dhiga Jaamacadda Hargeysa, ayaa mar uu maanta saxaafadda qaarkeeda kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu ka dareen-celiyey Xilka madaxweynuhu u magacaabay.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Hadalka Safiir ku-xigeenka

 

Somalilandpost.net
somalilandpost.net