FARRIIMAHA WACYIGELINTA WADDOOYINKA

Waxa ku badan shilalka waddooyinka kuwaas oo gaysta khasaare nafeed iyo kuwahantiyeedba. Sannadkii 2018 oo keli ah, tirada shilalku waxay gaadheen 3457.161 qof ayaa ku dhintay shilalkaas waxaananku waynay hanti aad u badan. Shilal badan waxa sababa habdhaqanka khaldan eedarawaliinta, sidaa darteed, darawaliinta waxa laga rabaa in ay gaadhiga ukaxeeyaan si taxadar leh oo masuuliyadu ku jirto. Shilalkubadanaa waxay dhacaan marka la raaci waayo shuruucdii nabadgalyada waddooyinkaiyo darawaliinta isla markaana darawaliintu ka fikiri waayaan halista ay taasiku keeni karto naftooda, rakaabka saaran, hantida ay sidaan iyo noloshamuwaadiniinta ka agdhaw waddada, gaar ahaan waddooyinka halbawleyaasha ah eeisku xidha magaalooyinka.Dirawalku haddii uu gaadhiga si khaldan oo aanmasuuliyadi ku dhisnayn u kaxeeyo, naftiisada oo kali ah khatar ma gelinayo ee waxa uu khatar gelinayaa nafta iyo hantidamuwaadiniinta ee ka ag dhaw dariiqa uu gaadhiga marinayo.

Dirawaliintuhaddii ay raacaan talaabooyinkan waxaa yaraanaya khatarta shilalka: Moobaylha is ticmaalin sifo kasta adigoo gaadhiga wada. Ha ku dirin farriimo, fiidyowha ku daawan, email ha ku dirin, hana ku hadlin ee dhinac iska dhig intagaadhigu socdo.ü Markaaad marayso meel u dhaw iskuul oo ardaydu ka tallaabaan, meel xoolo lagatallaabiyo ama suuq laga dukaansado ama meel kale oo dadku ku badan yihiin,xawaaraha gaadhiga dhin oo si taxadar leh u soco, Xawaarahaasi waa in aanu kabadan inta u dhaxaysa 20 km saacaddiiba ilaa 10 km saacaddiiba.

Markaaad daba socoto gaadhi kale, waa in aad u jirsataa masaafo macquul ah oo aad kukala badbaadi kartaan gaadhiga kaa horeeya haddii uu si lama filaan ah biriiggau qabto. Markaaad ku soo dhawaato meel is goys ah, waa in aad xawaaraha gaabisaa oo sitaxadar leh u gaadhaa. Haddii aad baydhayso waa in aad sii ridataa signalka amalaydhka muujinaya in aad baydhayso. Waa mabnuuc in aad iska baydho adiga oo aansii bixin wax ishaaro ah.

Meelahaay dadku ka tallaabayaan waa in aad taxadir muujisaa.ü Markasta waa in ay kuu muuqataa waddada in kugu filan in aad ka joogsan kartohaddii aad sheed ka aragto dad tallaabaya. Meelaha ay waddadu goolad tahay eeaanay suurogal ahayn in ay kuu muuqato waa in aad xawaaraha gaabisaa si aad ugajoogsan karto haddii ay cidi wadda degdeg u soo gasho. ü Xamuulkaxad-dhaafka ah iska jir. Gaadhiga oo la saaro rar ka badan intii loogu talogalay waxay halis ku tahay gaadhiga, dadka saarlo0rt|\\an, waddada iyo dadka kaag dhaw waddada.

Markasta waa in darawalka iyo dadka gaadhiga saarani ay suunka xidhnaadaan. Suunkuwuxu qayb weyn ka qaataa amniga inta gaadhiga saaran.ü Kahor inta aanad gaadhiga dhaqaajin hubi fayoqabkiisa iyo meelaha u baahan inlaga taxadiroü Iskajir xawaaraha degdega ah wuxu sababaa shilal halis ah. Ku soco xawaaraha ayjidaysay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Waddooyinka.

Haddiiaad qaad ku saamalayshay oo aad qaadiraysan tahay ha ka xayn gaadhi. Waxadhalis ugu jirtaa in aad dariiqa ku dhex gama’do halkaasna uu ka dhaco shilkhasaare gaystaa. Markasta oodarawaliintu ay xil iska saraan badbaadada naftooda, gaadiidkooda iyo waxkasta oo ka ag dhaw jidka ay marayaanwaxa ay yarayn karta shilalka. Fariintan ayaa waxaa ina ay idin soo gaadho suuro galiyay Hay’adaY-PEER oo kaashanaysa Hay’ada GIZ oo iyadu fulisay dayactirka wadada isku xidhaHargeysa ilaa kalabaydh iyo Hay’ada Wadooyinka Somaliland oo ay wahelisoWasaarada gaadiidka iyo horunmarinta wadooyinka ee Somaliland.

La Soco