M《 Qaylada iyo Qalin-daarka daaya 》

《 Qaylada iyo Qalin-daarka daaya 》

Tiraba illaa Afar Wadaad oo aanu ku jirin
Sh.C/laahi Bar-baraawi ayaa usoo jawaabay Dr.Faysal Maxamed Cali kadib markii uu todobaadkii tagay ka Dal-baday Bar-baraawi inuu kala Doodo Massalo in badan Hal-bawle iyo Udub-dhaxaad u ahayd weeraro xoogan iyo dhaleecayn si ba’an uga imanaysay dhanka Sh.Bar-baraawi Iyo kooxdiisa , kooxdan oo hadii xittaa ay ka hadlayaan Qiyyaamaha iyo Qorrax-madoobaadka meel uun kasoo galiya durista iyo dada-faynta Culimo iyo Jamaacaat ka mid ah Muslimiinta ,

Wadaadadan usoo jawaabay Dr.Faysal oo dhammaantood ka mid ah Qol-yaha sida gaarka ah uga sheegta Muslimiinta Sunnada iyo Salafka Intii ay iyagu Shaan-badda ugu dhuftaan mooyaane ayaa soo dhigay Baraha Bulshada Cajilado ay ka buuxaan Cay iyo aflagaadooyin ay u gaysnayaan Shakhsiyada Diktoor Faysal iyagoo adeegsanayaTixo iyo Tiraabo iyo waliba Codadkiisa oo ay jar-jareen , ceeb ayay kutahay ragaas inay Sheekhooda ku aamini waayeen Hal massalo oo furuucda Diinta ka mid ah ,waxaa kaloo iyana Ceeb labaad ku ah inay isugu wada tagaan Hal Sheekh oo kaliya , taas oo ah wada Qabasho aan Dhaqan iyo Xeertoona u ahaan jirin Soomaalida , waxaase jiri doonta hadii ay sidaa kusii wadaan inay cagta soo galin doonaan Culimo kaloo Cul-culis sida Dr.Faysal oo kale , taas oo ah sidii Sh.Bar-baraawi-na lugta uu ku martay ama uu jeclaa ,

Dhanka kale Ma xuma in Dooduhu ay dhex maraan Culimada Diinta , waxaana inta badan ku kala cadaada uun Xaqa iyo Baadilka , waase hadii loo maro Dariiqa iyo Qawaacida wanaagsan ee kudhisan Gar-naqsiga iyo Garawshiiyaha aan turxaanta lahayn , waxaanan hubaa inay hadda uun ugu dhawdahay soo afjarida murankan dabada dheeraaday ee in badna soo jiitamaayay mar hadii Sh.Bar-baraawi iyo kooxdiisuba ay kasoo dageen godkii ahaa inay markii hore dafirsanaayeen in la samaysan karo hab iyo hannaan lagu nidaamin karo Arimaha Dacwada iyo Diinta (التنظيم الدعوى) , waase hadii looga faa,iideeyo sida ku habboon ee ay ku midho dhali karto doodu oo ah in Sh.Bar-baraawi uu ogalaado imaatinka Miiska Niqaashka iyo Cilmiga , taas oo aad moodo inuu waxoogaa Caqabado ah iyo Hal-xidhaala-yaal badan oo la odhan karo malaha Cimri dherar ayaa ku jira uu ku xidhay .

Sharmaarke Wacays